Hoppa över navigering, gå direkt till innehållet.
  • Gå, cykla eller välj andra färdsätt i första hand

    Just nu är SL-trafiken till för dem som absolut måste resa. Läs mer »

  • {{error}}

Kundkorg

{{error}}

{{error}} Köp biljett

  • {{product.Name}} {{product.PriceIncVat}} kr Ta bort produkt

Totalt {{shopping_cart.data.TotalSum}} SEK

Till kassan

Hoos u dhig safarka – hoos u dhig faafinta cudurka

Information på somaliska.

Waxa imminka ku dhex faafaya bulshada fayraska koroona. Waa in qof kastaa ka qeyb qaataa joojinta inuu faafo cudurka.

SL ayaa raaceysa tilmaanta hey’adda caafimaadka shacabka isla markaana kugu guubaabineysa inaad:

  • safarto oo keliya markaad tahay qof caafimaad qaba oo aan calaamado cudur isku arag.
  • safarto oo keliya hadduu safarkaadu yahay lagama maarmaan.
  • Iska ilaaliso inaad safarto xilliyada dadka safarka ahi badan yihiin.
  • waxoogaa u jirsato musaafariinta kale iyo shaqaalaha.
  • baska ka gasho albaabada danbe.
  • aadan fariisan kursi ku dhow qof kale ee baska, tareenka ama doonta.
  • sugto baska xiga haddii kan hadda taagani buuxo.
  • gebi ahaan iska ilaaliso safarka haddii aad ka weyn tahay 70 sano ama ka tirsan tahay dadka khatarta ku jiro.

Maadaama ay tahay inaan kala fogaano, waxey taa keeneysaa in basaska iyo tareenadu dhaqso u buuxsamaan. Gaadiidka SL ayaa isu daba socda si macquula iyadoo loo eegayo gaadiidka iyo shaqaalaha aan heleyno, balse waxan u baahanahay inaad naga caawiso si ciriiriga loo yareeyo.

Markaan gacan ka geysano, waxeynu hoos u dhigeynaa khatarta ah inuu cudurku ku faafo dadka safarku qasabka ku yahay iyo shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha. Ha isticmaalin gaadiidka SL markaa haddii aysan qasab kugu aheyn.

Wax intaa dhaafsan ee ku saabsan faafidda fayraska koroona iyo Covid-19 ka aqriso Folkhälsomyndigheten iyo 1177