Hoppa över navigering, gå direkt till innehållet.
  • {{error}}

Kundkorg

{{error}}

{{error}} Köp biljett

  • {{product.Name}} {{product.PriceIncVat}} kr Ta bort produkt

Totalt {{shopping_cart.data.TotalSum}} SEK

Till kassan

Biljettinformation på somaliska - Af-Soomaali

Xuduudka sooneyaasha ayaa la baabiinayaa iyadoo qiimaha wax laga bedelaayo.

Laga bilaabo 9 Janaayo 2017 ka waxa qiimo go'an laga dhigayaa tigidhka halka safar markaas oo meesha laga saarayo xuduudka sooneyaasha, ardeyda waxa qiimo dhimis loogu samayn doona noocyada tigidhada intooda badan iyadoo uu qiimaha Tigidhka xiliyadu uu qaaliyoobi doono.

Waxyaalahan ayaa ah isbedelka lagu sameynaayo tigidhada iyo qiimayaasha SL:s ta laga bilaabo tariikhda 9 janaayo 2017:

  • Xuduudka soonayaasha ayaa laga saarayaa qofka ku safraaya tigidhka halka safar ah, iyada oo ay qiime go’an noqon doonto meel kasta oo aad u safrayso (75 daqiiqo gudahood).
  • Fikrada dhamaan Qiimo dhimistan waxa lagu badalayaa qiimihii tigidhada qofka weyn iyo sidoo kale hawlgabka ah, ardeyda iyo da'yarta (qiimaha la dhimay).
  • Dadka waaweyn ee ardeyda ah ee haysta aqoonsiga ardeynimo oo leh sumada SL:s waxay helayaan qiimo dhimis ugu yaraan boqolkiiba 75% ah oo dhamaan tigidhada SL:s.
  • Qiimaha tigidhka xiliyada ayaa marki ugu horaysay ilaa 2011 kor loo qaadeyaa.
  • Haddii uu safarkaagu ka gudbo xadka gobolka Gnesta ama Bålsta uma baahnid inaad wax dheeraad ah taas uga bixisid.

Qiimo go'an oo tigidhka safarka halka mar ah

Qofka ku safra tigidh safarka halka mar ah ee uu ku iisbadey reskassa, mobilen, lagac/automat ama si kaadh hal mar ah uma baahna hadda kadib inuu ogaasto dhererka soonaha aad ku safri karto. Waxaad bixinaysaa qiimo go'an oo tigidhkaaga iyadoo aad markaa ku safri karto in 75 daqiiqadood ka yar. Waxa ay wali ka sii raqiisnaan doontaa haddii lacagta safarka lagu bixiyo reskassa, taas oo noqonaysa 30 kronor qofka weyn, taas oo ugu qaalisan hadii aad tigidhka kaash kaga iibsato kaariga/Kirishboyga iyadoo noqonaysa 60 kronor qofka weyn ah. 

Ka fudud in la helo qiimaha saxda ah ee noocyada qiimayasha

Tigidhada waxa loo kala qeybin karaa noocyada Qiimaha kala ah Qofka weyn kaas oo u dhigma qiimihii hore ee "qiimaha dhan" iyo hawlgabka, ardeyda, da'yarta oo u dhigma "qiimaha la dhimay". Ujeedada loo bedelay magaca waxa weeye inay ka fududaato si loo fahmo tigidhka aad iibsanayso. 

Tigidhada qiimadhimista leh

Haddii aad tahay hawlgab, ardey ama da'yar ka yar 20 sanno waxa aad heli doontaa qiimo dhimis markaad iibsaneyso tigidh. Waxa ku cusub halkan in qofka wayn ee ardayga ah uu iibsan karo tigidhadan haddii uu aqoonsiga sumada SL:s leh haysto oo uu ugu yaraan boqolkiiba 75 wax baranaayo. Dadka hawlgabka waxa shaqeynaaya shurruudo la mid ah kuwii hore. Qofka ka weyn 65 sanno waxaad markasta uu heli doontaa qiimaha la dhimay. Haddii aad hawlgab tahay oo aad ka yar tahay 65 sanno waxaad heli doontaa qiimo dhimis haddii aad haysato cadeyn ka socota Pensionsmyndigheten ama Försäkringskassan

Tigidhka ardeyda, tigidhka termka iyo tigidhka xiliga firaaqada ee da'yarta dugsiga dhigata loogu talo galay

Tigidhada da'yarta ka yar 20 sanno ayaa sii jiri doona iyadoo qiimo dhimis dheeraad ah la siin doono. Tigidhada waxa kaliya loo isticmaali karaa carruurta iyo da’yarta ka yar 20 sanno.

Qiimo kicinta tigidhka xiliyada

Qiimaha dhamaan tigidhada ayaa kor loo qaadayaa 9 Janaayo, taas oo ah qiimo kor u qaadistii ugu horeysay marka laga soo bilaabo 1 sibtembar 2011. Tigidhka 30 maalmood ee dadka waaweyn wuxuu noqon doonaa 830 karoon iyadoo dadka hawlgabka, ardeyda iyo da'yarta uu noqon doono 550 karoon

Marka xuduudka soonayaasha meesha laga saaro ayaa xataa sidoo kalena tigidhka xiliyada ee safarada gudaha Norrtälje iyo Södertälje meesha ka baxayaa. Sidoo kale ayaa xataa tigidhka xiliyada ee Bålstatillägg uu meesha ka baxaaya marka kharashka dheeraadka ah ee la saaro marka xadka gobolka laga gudbaayo uu meesha ka baxo.